Madaxweynaha Puntland oo beeniyay in deeganada Puntland lagu Faafiyo Mad-habka Shiicada,

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo dib ugu Laabtay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal kadib markii uu kasoo qeyb galay shirkii fashilka kusoo dhamaaday ee Magaalada Kismaayo ayaa saxaafada u sheegay in aysan jirin qof ku howlan faafinta Mad-habka Shiicada, oo ku sugan Puntland,

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu Tilmaamay in guud ahaanba shacabka Soomaliyeed ay yihiin  100% dad muslimiin ah oo Sunni ah. Aysan jirin dad deegnada Maamulka Puntland ka wada Mad-habka Shiicada, xili la sheegay in uu jiro wasiir ka Tirsan Puntland oo wada Barnaamijka shiiceynta.

Mudooyinkii dambe qaar kamid Gobolada dalka soomaliya iyo Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayay Hadal heynta ku aadan in ay jiraan dad faafinaaya Mad-habka Shiicada, iyadoo dowlada soomaliya ay dhawaan sheegtay in ay xiriirka u jartay dowlada iiraan oo lagu tiro dalalka aaminsan Mad-habka Shiicada,

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here