Wakiilka cusub Qaramada Midoobe ee Somaliya, Amb. Michael Keating oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa maanta oo talaado ah si rasmi ah ula wareegaya xafiiska Qaramada Midoobe ee Somaliya,
Amb. Michael Keating ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya isagoo Muqdisho kula Kulmay Madaxda dowlada soomaliya sida Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud, iyo wasiirka arrimaha dibada C/salaan Hadliye Cumar.
Wasiirka arrimaha dibada C/salaan Hadliye Cumar. Oo soo dhaweynta Amb. Michael Keating ka Hadlay ayaa sheegay in wasaaradaa arrimaha dibada ay gacmo furan kusoo dhaweynayso Wakiilka cusub Qaramada Midoobe ee Somaliya,
Dhanka kale Wakiilka cusub Qaramada Midoobe ee Somaliya, oo soo gaarista Magaalada Muqdisho ka Hadlay ayaa sheegay in dowlada soomaliya uu kala shaqeynayo sidii ay kaga gudbi laheyd marxaladda habraaca kala guurka, meeshii lagu gaaro bisha August iyo dhameystirka Dastuurka qabyo qoraalka.
Amb. Michael Keating ayaa shaqabada ka badalay ninkii isaga ka Horeeyay ee Nikolas Key oo soomaliya sanado badan ka shaqeynayay.

