Dhageyso:- Maamulka Puntland oo digniino u direy Shaqsiyaadka ka Shaqeeya Falalka Amni daro

0

Wasiirka Amniga Gudaha Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo warbahinta kula Hadlay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa digniino u jeediyay siyaasiyiin iyo shaqsiyaad uu sheegay in ay falal amni daro ah ay ka wadaan deeganada Maamulka Puntland, uu ka arimiyo,

Cabdi Xirsi Cali Qarjab waxa uu sheegay in shaqsiyaadkaas gacanta lagu soo dhigo doono iyagoona lala tiigsan doono maxkamada waa siduu hadalka u dhigay wasiirka amniga Gudaha Maamulka Puntland,

Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka amniga Gudaha Maamulka Puntland in ay jiraan dad kale oo doonaya in ay hoos u dhigaan hormarka uu diigsanayo Maamulka Puntland

Dhanka kale Wasiirka Amniga Gudaha Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan siyaasiyiin kale oo mar kale dagaal ka abaabulaayo koonfurta iyo woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Gobolka Mudug,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here