Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Dhexe.
Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe waxaa haatan laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga wasiirka arrimaha Gudaha xukuumadda soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa,
Ujeedka wafdiga wasiirka arrimaha Gudaha uu Hogaaminaayo ayaa Lagu sheegay ka qeyb galka kulamada ka socda Magaalada Jowhar ee loogu talagalay dhisida Maamulka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe iyo soo xulista ergooyinka. iyadoona ergooyin ka socota Labada Maamul ay xiligan ku sugan yihiin Magaalada Jowhar,

