Tsai Ing-wen oo ah haweeneyda shalay ku Guuleystay xilka Madaxweynaha wadanka Taiwan markii Ugu Horeysay ayaa sheegtay in ay Tahay qof inta badan jecel la noolaanshaha Bisada iyadoona sidoo kale Tilmaamtay in ay sii ahaan doonto mid jecel bisada.
Madaxweynaha wadanka Taiwan ayaa Hogaaminaysa Xisbiga Democratic Progressive Party (DPP) oo ah xisbiga ugu awooda badan dalka Taiwan waxaana haatan dowlada cusub ay qorsheynaysa sidii ay madax banaanida kaga qaadan laheyd dalka shiinaha oo sanadihii dambe xukumayay.
“ Qof walba oo dunida ku Nool waxbuu jecelyahay aniga mar walba waxaan jeclahay la joogo Bisada ayay warbaahinta Taiwan u sheegtay kadib guusheeda Madaxtinimo.

