Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya In goobaha ganacsiga iyo waxbarashada aan lagu qori Karin afka qalaad,
Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadal kooban ka jeeidyay dibad bax Maanta lagu soo dhaweynayay munaasabada xuska afka soomaliya oo dhawaan la xusi doono ayaa sheegay in maamuka banaadir uu amar ku bixinayo wixii maanta ka dambeeya aan lagu arki Gobolka Banadir boorarka ku qoran afafka qalaad,
Magaalada Muqdisho oo ah caasimada soomaliya waxaa goobaha ganacsiga iyo waxbarashada Lagu arkaa boorar ay ku qoran Yihiin afafka qalaad sida English-ka, iyo luuqada Kale. waxaana taasi lagu tilmaamay in ay lumin karto jiritaanka afka soomali-ga.

