Wakiilka Urur Goboleedka IGad ee Arrimaha Soomaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in aysan dhici doonin in madaxda dowlada soomaliya ay sameystaan Muddo Kororsi,
Danjire Maxamed Cabdi Afeey Wakiilka Urur Goboleedka IGad ee Arrimaha Soomaliya waxa uu Tilmaamy in beesha caalamka ay go’aan cad ka gaareen in madaxda dowlada soomaliya aysan sameysan Muddo kororsi,
Wuxuu tilmaamay Maxamed Cabdi Afey inaysan muuqan sabab keeni karta muddo kororsi ay sameystaan madaxda haatan dalka maamusha isagoona sheegay in waqtigooda ay qaateen waqtina u dhiman yahay,

