Al-shabaab ayaa sheegay in uu gacanta ku Hayo 12-maxaabis oo ka Tirsanaa ciidamada dowlada Kenya oo ku sugnaa deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,
bayaan kasoo baxay al-shabaab ayaa Lagu sheegay in al-shabaab ay gacanta ku hayaan maxaabistaan oo iskugu jirta askar iyo saraaakiil ka Tirsanaa ciidamada Kenya oo dhawaan lagu weeraray deeganka Ceel-cadde.
Dhanka kale Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan Maxaabiistaasi , waxayna sidoo kale sheegeen in dhimashada askarta laga dilay Kenya ay gaareyso 100-askari waa sida hadalka lo dhigay,
Hadal kasoo baxay shabaab ayaa kusoo beegmaya xili jimcihii aynu soo dhaafnay uu dagaal qorshaysan uu ka dhacay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka gedo ee Koonfur dalka Soomaliya,

