Gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka Beelaha hawiye Nabadoon Maxamed xasan xaad oo wareysi siiyay idaacada simba ayaa sheegay in shacabka soomaliyeed ay doonayaan in doorashada soomaliya lagu saleeyo sanadkaan nidaamka 4.5 oo ah habka ay beelaha soomaliyeed ay wax ku qeybsadaan,
Maxamed xasan Xaad ayaa Tilmaamay in doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan aan lagu saleyn Karin nidaamka heerka degmo isagoona ku sababeeyay arintaas tiro koobka rasmiga ee shacabka soomaliyeed aan xiligaan la haynin,
Hadalka Gudoomiyaha odoyaasha dhaqanka Beelaha hawiye Nabadoon Maxamed xasan xaad ayaa imaanaya xili Madaxda dalka soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay isku qilaafsan Yihiin nooca doorasho ee soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

