Taliska Amisom ee soomaliya ayaa cambaareeyay weerarkii Lagu qaaday ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka amisom oo saldhig ku lahaa deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,
Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee amisom Ambassador Francisco Madeira oo warbaahinta la Hadlay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay al-shabaab ku qaadeen ciidamo kenyaan ahaa oo ku sugan deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,ee koonfur Dalka soomaliya,
Mudane Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay in Taliska amisom ay si kulul u cambaareynayaan weerarkaas isagoona u rajeeyay askarta ku dhaawacmatay weerarka in si deg deg usoo bogsadaan,

