Shiikh Cali Maxamuud raage Sheiikh cali dheere Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab oo maanta warbaahinta al-shabaab la Hadlay ayaa si kooban kaga Hadlay weerarkii shalay ka dhacay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo,
Afhayeenka al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud raage Sheiikh cali dheere waxa uu sheegay in weerarka uu Yimid kadib markii ciidamada al-shabaab ay ka warhaleen in ciidamada Kenya ay qorsheynayeenn in weeraro ay ku soo qaadan goobaha ay ku sugan Yihiin ciidamada al-shabaab iyo dilalka dadka shacabka ah ee ku Nool goobaha ay arimiyaan al-shabaab,
Waxa uu sheegay in al-shabaab ay si weyn kaga xumaadeen dadka shacabka ah ee maalin walba lagu dilo Gobolka woqooyi bari ee Kenya iyo Magaalada Mandheere ee dalka Kenya isagoona hadalkiisa ku daray in weerarka lagu guuleysto In lagu dil askar ka Tirsan ciidamada Kenya oo ku sugnaa deeganka Ceel-cadde,
Afahayeenka Xarakada Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud raage Sheiikh cali dheere waxa uu Tilmaamay in ay sii socon doonaan weerarada Lagu qaadayo goobaha ay ku sugan ciidamada Midowga Africa ee amisom gaar ahaan kuwa Kenya. Uganda, iyo Burundi,
“al-shabaab waxa ay ka xunuunsadeen dilalka ay ciidamada Kenya u geysnayeen dadka shacabka ee muslimiinta ah ee ku Nool Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya ayuu hadalkiisa ku sheegay Cali Maxamuud raage.
Hadalka Hogaanka al-shabaab ayaa imaanaya xili shalay ay al-shabaab weerar qorshaysan ay ku qaadeen Magaalada Ceel-cadde ee Gobolka Gedo. oo saldhig ay ku lahaayeen ciidamada Kenya,

