Duqeyn ka dhacday deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo

0

Wararka haatan Naga soo gaaraya deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya ayaa  sheegaya in diyaaradaha dowlada Kenya ay duqeyeen deegankaas,

Dad ku sugan deeganka Ceel-cadde oo la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saacada badan ay deegankaas ku socotay duqeyn ay Fulinayeen diyaaraha dowlada Kenya kadib markii maalintii jimcihii ay deegankaas weerar ku qaadeen ciidamada al-shabaab.

Dhanka kale Ilaa haatan lama Ogo qasaaraha ka dhashtay weerarka duqeynta ay Fuliyeen ciidamada dowlada Kenya.

Duqeyntaan ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan ciidamada Kenya oo saldhig ku lahaa deeganka ceel-cadde  ay weerar ku qaadeen ciidamada al-shabaab,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here