Yuusuf Daba-geed Oo digniin u direy dadka kasoo Horjeeda Maamulka loo Dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

0

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba-geed ayaa sheegay in Maamulkiisa uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono dadka sheegaya in  Maamul cusub laga dhisi doono Gobolka Hiiraan,

Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba-geed ayaa sheegay in ay jiraan odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan kuwaasi oo kasoo horjeeda Maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo shabeelaha dhexe  iyagoona siyaasad kale kawada Magaalada Beledweyne,

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed waxa uu sheegay in odoyaasha iyo siyaasiyiin wada qilaafka ay Horey ula kulmeen Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud iyagoona u balan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe. oo shalay Furmay,

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba-geed in aan xiligaan la joogin xiligii la abuuuri lahaa qilaaf dadka daga Gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe ay yihiin kuwa isku qalbi Furan,

Hadalka Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya xili Magaalada Beledweyne shalay loogu dhawaaqay in laga dhisi doono Maamul ka madax banaan Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here