Wararka ka imaanaya dalka Pakistaan ayaa ku waramaya in qarax xoogan uu ka dhacay xarunta talaalka Poliyada oo ku taala Magaalada Quetta ee Galbeedka dalka Pakistaan.
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxa ku dhimatay 14-qof halka ay ku dhaawacmeen 20-kale oo ahaa dadka shacab ahaa oo ku sugnaa xarunta talaalka Poliya-da ee Magaalada Quetta.
Dadkii ku dhaawacmay qaraxa waxaa la geeyay goobaha caafimaadka Magaalada Quetta ee Galbeedka dalka Pakistaan. Si halkaas loogu dabiibo dhaawacyada kasoo gaaray qaraxa goobta ka dhacay.
Booliska dalka Pakistaan ayaa goobta soo gaaray iyagoo durbadiiba halkaas ka bilaabay baaritaano la xariira dadkii ka dambeeyay qaraxa ka dhacay magaalada Quetta ee Galbeedka dalka Pakistaan.
Dhanka kale qaraxa ka dhacay Quetta ee Galbeedka dalka Pakistaan. Ayaa kusoo beegmaya xili dadka ku Nool Gobolka Balochistan. Ay kasoo horjeysteen in Gobolkaas laga fuliyo Talaalka Poliya-da.
Cidna ma sheeganin qaraxa ka dhacay magaalada Quetta ee Galbeedka dalka Pakistaan.

