Wafdi Wasiiro ah oo Ku Wajahan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

0

Warar haatan Naga soo gaaraaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaaladaas ay haatan ku wajahan Yihiin wafdi wasiiro ah oo doonaya In la Kulmaan odoyaasha ka soo horjeystay in ay Tagaan magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe,

Wafdiga waxaa la sheegay in uu Hogaaminaayo wasiirka amniga Gudaha xukuumadda soomaliya C/risaaq cumar Maxamed waxaa haatan laga dareemayaa Magaalada beledweyne soo dhaweynta wafdiga wasiirada,

Qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa dhawaan kasoo horjeystay in ay Taagaan Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe si ay ugu qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo shalay Furmay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here