Paul Pogba oo beeniyay in uu ku biirayo kooxda Barcelona

0

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Juventus Paul Pogba ayaa beeniyay wararka ku aadan in uu xili ciyaareedkaan u dhaqaaqayo kooxda Barcelona  laakin waxa uu sheegay in hal maalin uu jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro xidigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka France ayaa todobaadkaan ku sugnaa xafladii ka dhacday Magaalada Zurich isagoona kasoo muuqday teamka sanadka ee FIFPro World XI kadib markii uu kooxda Juventus ka caawiyay ku guuleysiga Horyaalka Talyaaniga, Coppa Italia iyo gaarista Finalka Champions League.

Laacibkii Hore ee kooxda Manchester United ayaa mudooyinkii dambe lala xiriirinaayay kooxaha Barcelona, Beyer Munich iyo Manchester City. kadib markii ay la dhaceen qaab ciyaareedkiisa,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here