Madaxweynaha Soomaliya oo Maanta Furaya Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa Maanta la filayaa in uu gaaro Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Dhexe oo la sheegay in uu ka Furmi doono shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Magaalada Jowhar waxaa saakay laga Dareemayaa soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne xasan sheikh Maxamuud oo safarka Jowhar kadib gaari doona Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose  oo la filayo in uu ka furmo shirka doorashada lagu go’aamin doono,

Jowhar waxaa ku sugan Madax ka Tirsan dowlada soomaliya iyo ergooyin matalaya maamulada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe kuwasoo mudooyinkii dambe gaarayay Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Maalmihii dambe waaa hakad ku imaanayay shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe waxaa maanta la filayaa in uu si Rasmi ah uu shirkaas u Furmi,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here