Shirka Lagu Go’aamin doono doorashada oo Maanta ka Furmaya Magaalada Kismaayo

0

Waxaa Maanta Si rasmi ah loo filayaa in uu Furmo shirka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan  2016-ka.

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaa si weyn loogu dareemayaa shirka Lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka waxaana Magaalada amaankeeda sugaya ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulada Juba-land iyo kuwa midowga Africa ee amisom.

Kismaayo waxaa ku sugan Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug , Puntland, Koonfur Galbeed soomaliya iyo Madax kaloo caalami ah kuwaasi  iyo Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid oo doonaya in ay ka qey  galaan shirka doorashada lagu go’aamin doono,

Shirka waxaa la filayay in uu Furmo maalintii axadii aynu soo dhaafnay waxaa baaqday Madaxweynaha Soomaliya xasan sheikh Maxamuud oo ahaa mas’uulka Furi lahaa shirka Lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaa,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here