Wasaaradda gaashaan dhiga ee dalka japan iyo ururka difaacayaasha badaha japan ee loosoo gaabiyo MSDF ayaa shaaca ka qaaday in diyaarada dagaalka ee P3C ay sitoos ah kaga mid noqon doonaan la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.
Dowlada Japan ma aysan sheegin tira ay la egyihiin diyaaradaha ay u soo direyso Xeebaha soomaaiya si ay ula dagaalamaan burcad badeeda soomaalida.
Dalka japan ayaa waxa Xeebaha soomaaliya kaga sugan maraakiib kuwa dagaalka ah oo sanadkii 2009-kii kusoo biiray ladagaalanka burcad badeeda Soomaalida.
Horay waxa diyaarado dagaal ay ka joogeen Xeebaha soomaaliya Dowlada Mareykanka, balse hadii japan ay diyaaradaha dagaalkeeda kusoo biiriso howl-galka la dagaalanka burcad badeeda ay noqon doontaa dalkii labaad ee diyaarado usoo diro Xeebaha dalka soomaalia.

