Kooxda as Roma ee Horyaalka dalka Talyaaniga ayaa la rumeysan yahay in ay shaqada ka ceyrin doonto macalin Rudi Garcia hadii uu caawa guuldaro kala kulmo kooxda Ac Milan waxaa shaqada kooxda lala xiiririnayaa Walter Mazzarri
Kooxda roma ayaa caawa saacada marka ay Tahay 09:45 waxa ay garoonka Stadio Olimpico ee Magaalada Roma ku qaabili doontaa kooxda ac Milan waxaana shaki la galinayaa mustaqbalka macalin Rudi Garcia.
Naadiga Giallorossi ayaa Todobaadkii aynu soo dhaafnay guuldaro kala kulantay kooxda ay isku magaalada Yihiin ee Lazio uu kaga adkaadatay 2:0. waxaana markaas sii batay cadaadiska saaran macalin Garcia,

