Booliska Magaalada Mombasa oo Gacanta ku soo dhigay Nin u dhashtay Kenya oo al-shabaab ka Tirsan

0

Booliska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegay  in  ay gacanta kusoo dhigeen nin la sheegay in uu  al-shabaab ka Tirsanaa, oo mudooyinkii dambe ku suganaa Magaalada Mombasa ee dalka Kenya,

Ciidamada Booliska waxa ay sheegeen in howlgal ay ka sameeyeen Jimcihii guri ku yaallo Magaalada Mombasa ay ku suurta gashay soo qabashada Sarkaalkaan ka tirsan Shabaab ee u dhashay dalka Kenya.

Booliska Magaalada Mombasa ayaa ninka ay soo qabteen Magaciisa ku sheegay Ikirima Shosi waxaana sidoo kale loo haystaa dil sanadkii aynu soo dhaafnay Magaalada Mombasa loogu geystay sarkaal ka Tirsanaa ciidamada Kenya,

Waxa ay sidoo kale  booliska Magaalada Mombasa ay sheegen in ay sii wadi doonaan Howlgalada lagu soo qabanaayo dadka lagu Tuhmaayo in ay xiriirka la leeyihiin al-shabaab ama ka Tirsan,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here