Wararka haatan naga soo gaaraya Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in wafdi uu Hogaaminaayo Ergayga urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya ay gaaraan Magaalada kismaayo.
Maxamed Cabdi Afey oo ah Ergayga urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa kamid ah Madax ka qeyb galaysa shirka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka oo ka Furmi doona Maalinta bari ah Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose,
Dhanka kale waxaa wali ku wajahan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose madax ka Tirsan dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira kuwasoo doonaya in ay ka qeyb galaan shirka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa, sanadkaan,

