Xidiga qadka dhexe ee kooxda Sevilla Grzegorz Krychowiak ayaa sheegay in uu ka war hayo xiisaha kaga imaanaya kooxda arsenal isagoona sheegay in uu sanadkaan rajeynayo in uu u dhaqaaqo Horyaalka dalka ingiriiska,
25-jirkaan heerka caalami ee xulka dalka Poland ayaa mudooyinkii dambe lala xiriirinayay usoo dhaqaaqista kooxaha Horyaalka dalka Ingiriiska kadib markii uu bandhig wanaagsan ka sameeyay Horyaalka dalka ingiriiska,
‘Horyaalka dalka ingiriiska waa mid kamid ah Horyaalada ugu xiisaha badan waxaan rajeynayaa in aan xili ciyaareedkaan u dhaqaaqo ayuu u sheegay wareysi uu siiyay FourFourTwo.

