Gudiga qaban-qaabada shirka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka ayaa beeniyay in uu shirka baaqanayo maalinta bari ah,
Gudoomiyaha Guddiga qaban-qaabada ahna Gudoomiyaha baarlamanka Maamulka Juba-land Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku tilmamay warar aan waxba ka jirin in shirka maalinta bari ah uu furmi doonin,
Mudane Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan waxa uu sheegay in dhamaan la dhameystiray waxyaabihii loogu talagay shirka isagoona hadalkiisa ku daray in aad loo adkeeyay amaanka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose inta uu shirka socdo,
Warar soo baxaya ayaa Tilmaamayay in dib u dhac uu ku dhow yahay shirkii lagu go’aamin doono dorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka. xili maamulka Koonfur Galbeed soomaliya uu ka biya diiday in uu ka qeyb galo shirkaa,

