Dhaqaatiirta dalka Kenya iyo Dhaqaatiir Cadaan ah ayaa ugu dambeyn waxa ay ku guuleysteen in ay qaliin ku sameeyaan haweeney soomali ah oo seygeeda toorey ka galiyay daanka maalintii khamiistii aynu soo dhaafnay,
Haweeneyda oo lagu magacaabo Faaduma Ibraahin ayaa la sheegay in uu muran xoogan soo kala dhaxgalay seygeeda taasi oo keentay in ninka uu toorey ka galiyo dhanka daanka midig,
Falkaan xanuunka badan ayaa wuxuu ka dhacay tuulo ku u dhow Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana Faadumo loola soo cararay Isbitaal ku yaallo Magaalada Nairobi, kadib markii Diyaarad looga soo qaaday degmada Wajeer.
Qaliinka loogu soo saaray Mindida Faaduma Ibraahin ayaa la sheegay in uu qaatay Mudo gaareysa 60-daqiiqo waxaa la sheegay in dhirarka Mindida laga soo saaray ay aheyd 4inch sida dhaqaaqtirta ay soo bandhigeen,




