Kooxo Hubeysan ayaa saakay Gudaha xaafada xamar bile ee degmada warta-nabada ku dhaawacay gabar la sheegay in ay kamid aheyd shaqaalaha Shirkada Maamusha Garoonka Aadan Cadde ee loo yaqaan Favori.
Gabadha la dhaawacay ayaa la sheegay in ay u socotay goobteeda shaqo waxaana markay ay xaafada kasoo baxday rasaas xoogan ku Furey dhalinyaro ku hubeysneed Bastoolada oo markii dambe goobta ka baxsaday sida la sheegay,
Dhanka kale Haweenaydan ayaa magaceeda lagu soo koobay Nuura, goobta falka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Somaliya, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay goobta Wallow ay meesha ka baxsadeen ragii weerarka fuliyay,

