Isku Hor imaad oo Haatan ka Socda degmada Hodon

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Gudaha degmada Hodon ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo isku hor imaad u dhaxeeya ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo dad shacab ah oo diidan in ay ka baxaan guryo ku yaala xaafada Zona-k ee degmada Hodon,

Dad ku sugan Gudaha degmada Hodon oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in isku hor imaad uu bilowday kadib markii dadkii shacabka ahaa ee ku nool xaafada Zona k ay diideen in ay ka guuraan xaafadaas iyadoona ciidamada ay bilaabeen rasaas xoogan, iyo si qasab in ay meesha kaga saaraan,

Ilaa hada lama ogo qasaaraha ka dhashtay isku Hor imaadka u dhaxeeya ciidamada dowlada soomaliya iyo dad shacab ahaa ee ku nolaa xaafada Zona k ee degmada Hodon,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here