Dowlada Soomaliya oo beenisay in uu Xumaaday Xiriirka Soomaliya iyo iiraan

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya C/salaan Hadliye Cumar,  oo Bbc-da hadalka kooban siiyay ayaa ka hadlay hadalka dhawaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda soomaliya ee ku aadanaa in ay garab taagan tahay dowlada wadanka Sacuudiga oo xiriirkii u jartay dowlada wadanka iiraan,

C/salaan Hadliye Cumar waxa uu sheegay in aysan xiligaan jirin qilaaf ka dhaxeeya dowladaha iiraan iyo soomaliya  kadib hadalkii ku aadan in dowlada soomaliya ay garab taagan tahay dowlada iiraan.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya C/salaan Hadliye Cumar, waxa uu beeniyay hadal warbaahinta ay qortay oo ku aadanaa in qaar kamid ah muwaadiniin u dhalatay wadanka iiraan  lagu amray in ay ka baxaan soomaliya,

Dhawaan ayay aheyd markii dowlada soomaliya ay sheegtay in ay garab taagan dowlada sacuudiga oo xiriirka u jartay dowlada iiraan oo ka carootay dil ay dowlada sacuudiga ku Fulisay wadaad shiica ahaa,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here