Waxaa saakay Lagu wadaa in aas qaran loo sameeyo ala ha unaxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo dhawaan ku geeriyooday Gudaha magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,
Aaska qaran waxaa ka qeybgalaya Madaxda dowlada soomaliya Sida wasiirka arrimaha Gudaha xukuumada soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen odawaa, wasiirka amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, xildhibaano ka Tirsan baarlamanka Soomaliya, siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble waxaa la filayaa in lagu aaso deeganka Daaro Ugaas oo xiligaan ay ka arimiyaan Maamulka xarakada al-shabaab inkastoo Maamulka Gobolka Hiiraan iyo odoyaasha Gobolka Hiiraan ay ku hanjabeen in laga hor istaagi Karin in deegankaas lagu aaso Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif,

