Maamulka deeganka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ugu baaqay Wasaaradda gaashaandhigga Xukuumadda Soomaliya in ciidamo dheeri ah ay geyso deeganka Leego.
Ibraahim isaaq Alcadaala Gudoomiyaha deegaanka Leego ee Gobolka shabeelaha Hoose oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in deeganka uu xiligaan u baahan ciidamo dheeri ah oo qeyb qaata sugida amaanka deeganka isagoona sheegay in mar walba ay suurta gal tahay in ay la wareegaan al-shabaab,
Dhanka kale Gudoomiyaha deeganka Leego waxa uu sidoo kale sheegay in Hogaanka booliska soomaliya dhankooda loogu baahan yahay in ciidamo boolis ah ay geeyaan deeeganka si ay kaga qeyb qaataan sugida amniga deeganka,
Deeganka leego ayaa kamid ah deeganada ay ka dhacaan dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom oo dhinac ah iyo al-shabaab oo mararka qaar deeganka weerar kusoo qaada.

