Xiisad u dhaxeysa  Ciidamada Maamulada Gal-Mudug iyo Puntland Oo Saakay ka Taagan Magaalada Galkacyo

0

Wararka saakay ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  ayaa Tilmaamaya in halkaas ay saakay ka taagan tahay Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Maamulada Gal-Mudug iyo Puntland.

Wariye Madax banaan oo ku sugan Magaalada gaalkacyoee Gobolka Mudug oo Lagu magacaabo Maxamed C/qaadir Kaniif ayaa  sheegay in saakay si weyn loogu dareemayo Magaalada Gaalkacyo xiisada u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug oo dhawaan ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo,

Xiisada ayaa la sheegay in ay ka taagan suuqa weyn ee  Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ahaa halka markii Hore uu dagaalka ka bilowday mudo ka Hor,

Dhanka kale wasiirka amniga Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay  Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland in aysan sameynin wax keeni kara dagaal isagoona hadalkiisa ku daray in ay tixgalinayaan heshiiska dhawaan lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo,

Wali wax war kama soo bixin dhanka Maamulka Galmudug ay kaga hadlayaan xiisada saakay ka Taagan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here