Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose waxaa saakay laga dareemayaa abaabulkii ugu dambeeyay ay wadaan ciidamada Maamulka Juba-land iyo kuwa Midowga Africa amisom oo qorsheenaya in ay weeraro ku qaadaan goobaha ay ku sugan yihiin al-shabaab,
Ciidamo aad u fara badan ayaa saakay Lagu arkayaa Gudaha Magaalada Kismaayo kuwasoo wata Hubka noocyadiisa kala duawan iyagoona u diyaar ah weerar ay ku qaadeen goobaha ay xiligaan kaga sugan yihiin ciidamada al-shabaab ee gobolada Gedo iyo jubooyinka,
Ciidamada Jubbaland ayaa lagu diyaariyay Xero ciidan oo ku taallo Magaalada Kismaayo, waxaana ay sugayaan kaliya amar ku aadan inay dhaqaaqaan.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in si deg deg ah uu ku bilaabanaayo Howlgalka loogu magacdaray Wabiga Jubba oo Shabaab looga saarayo Jubbooyinka.
Al-shabaab ayaa ku sugan meelo kamid ah Gobolada Jubooyinka iyo gedo iyadoona aan la dhayalsan Karin awooda ay xiligaan ku leeyihiin Gobolada Jubooyinka iyo gedo

