Dalalka Bahrain, Sudan iyo Emirate-ka Carabta oo xiriirka u jaray dowlada Iiraan

0

Dalalka Bahrain, Sudan iyo Emirate-ka Carabta, waxa ay caawa shaaca ka qaadeen in ay xiriirkii u jareen dowlada wadanka Iiraan iyagoona sheegay in ay garab taagan yihiin dowlada wadanka Sacuudi Carabia.

Bahrain, ayaa waxay amartay in dalkeeda ay isaga baxaan dhammaanba diblomaasiyiinta reer Iran ay ku sugan. Sababo ku aadan, iyadoo xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay dalkaasi Iran.

Bayaan kasoo baxay dowlada Sudan ayaa sidaan u qornaa “Iyadoo laga jawaabaayo weerarka wuxuushnimo ah ee lagu qaaday Safaaradda Sacuudi Carbiya ee Tehran iyo Qunsuliyadda uu ku leeyahay Mashhad. Sudan waxay ku dhawaaqaysaa go’aankeeda ah inay xiriirkii si deg deg ihi ugu jartay Jamhuuriyadda Islaamiga Iran.” Ayaa lagu yiri Bayaanka.

Dhanka kale bayaanka kasoo baxay dowlada wadanka Behrain ayaa sidaan Emirate-ka Carabta waxay hoos u dhigtay diblomaasiyiinta Iran iyo in Safiirkeena Iran, Saif Al Zaabi uu isaga soo taggo Magaalada Tehran,  balse waxaanu sii wadi doonaa xiriirka ganacsi ee inagala dhaxeeya,

Wali waxaa soo badanaya dalalka xiriirka u jaraya dowlada Iiraan oo dhawaan ka xumaatay dilkii Sheikh Nimr al-Nimr, oo ka mid ahaa Wadaadada Shiicada Sacuudiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here