Kooxda Real Madrid ayaa aqbashay In ay iskaaga Harto koobka Copa del Rey kadib markii laga diiday racfaankii Labaad ee u gudbisay xiriirka dalka Spain Royal Spanish Football Federation iyo Maxkamada ciyaaraha dalka Spain ee Court of Arbitration for Sport (CAS).
Maxkamada ciyaaraha dalka Spain ee Court of Arbitration for Sport (CAS) war ay soo so saartay maalintii shalay aheyd ayay ku sheegtay in ay diiday racfaan ay qaadan laheyd kooxda Real Madrid,
Kooxda Real Madrid ayaa sameysay wax aan u diiwaan gashaneen xiriirka dalka Spain kadib markii ay ciyaarsiisay ciyaaryahanka reer Russia Denis Cheryshev oo horey ay ugu aruureen jaalayaal aad u Fara badan,

