Xidiga qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Toni Kroos ayaa sheegay in ciyaaryahan walba iyo qof walba uu u xiisay macalinka reer Talyaani ee Carlo Ancelotti,
Kooxda Real Madrid ayaa shaqada ka ceyrisay macalinkii Hore ee kooxaha AC Milan, Chelsea iyo PSG Carlo Ancelotti, kadib markii uu bandhig aan wanaagsan uu la Yimid xili ciyaareedkiisa Labaad ee kooxda Real Madrid iyadoona la xasuusto in kooxda Real Madrid uu kula guuleystay koobkii 10-aad ee Champions League, iyo koobka boqorka dalka Spain ee Copa del Rey,
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Germany xidigii Hore ee kooxda Beyer Munich Toni Kroos ayaa ku Tilmaamay shaqsi aad u wanaagsan macalin Carlo Ancelotti isgaoona u rajeeyay waayo fiican,
Hadalka xidiga Toni Kroos ayaa loo qaadan Karaa in uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin macalinka reer Spain ee Rafael Benitez,

