Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa soo jeediyay Talo ah in la sameeyo Guddiga madaxa Banaan ee Musuq Maasuqa Madaama Somaliya ay ka mid tahay dalalka uu daashaday Musuq Maasuqa.
Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sidoo kale sheegay in hadii la helo gudiga Madax Banaan ee ka Hortaga Musuq Maasuqa in meesha ay ka baxayaan wararka ku aadan in soomaliya lagu tiro dalalka inta badan sameeyay Musuq Maasuqa,
Dalka Soomaliya ayaa kamid ah dalalka inta badan lagu Tiro in ay ka jiraan Musuq Maasuqa iyo wax is daba marinta iyadoona dowlada soomaliya iyo Madaxda dowlada ay Horey u sheegeen in aysan jirin wax Musuq maasuq ah,

