Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa amaanay waxqabadka iyo is badalka uu la Yimaaday Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Maamulka Puntland General Cabdirisaaq Afgaduud oo dhawaan xilka loo Magacaabay.
Dr C/wali Maxamed Gaas oo Booqasho ku Tagay Taliska Booliska Gobolka Nugaal ayaa Kormeeray qeybaha kala duban ee Taliska isagoona saxaafada u sheegay in wax badan uu Taliska Gobolka Nugaal ka badalay Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Maamulka Puntland General Cabdirisaaq Afgaduud
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Puntland uu xiligaan Haysto ciidamo ku Filan oo lagu Faani Karo oo waliba sugaya amaanka deeganada Maamulka Puntland waa siduu Hadalka u dhigay
Madaxweynaha ayaa hadalkaan sheegay xili uu booqanayay Taliska qeybta gobolka Nugaal halkaas oo lagusoo bandhigay qalab cusub oo ciidanka booliska Maamulka Puntland ku howgali doonaan.












