Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Mungaab oo dalka dib ugu Soo Laabtay

0

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Mungaab iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay

Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa Mudooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya soo laabashadiisa ayaa lagu sheegay kadib markii Maalintii shalay aheyd xil ka qaadis Lagu sameeyay Gudoomiyaha

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Mungaab ayaa ka Gaabsaday in uu saxaafada kula Hadlo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wararka qaar oo soo baxaya ayaa Tilmaamaya in Maalmaha soo socda ay dhici doonto xil wareejinta Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho

Wareegto shalay ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa xilka loogu qaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa saxaafada u aqriay wareegtada xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha Gudaha dowlada soomaliya yaxye Cali Ibraahim

Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho waxaa loo Magacaabay  Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Banaadir

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here