Maxkamada darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa la Horgeeyay Labo nin oo u dhalatay dalka Indoonisiya oo dhawaan ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada amaanka Maamulka Puntland iyagoo kaluumaysi sharci daro ah ka waday xeebaha Maamulka Puntland
Labadaan nin oo lagu kala magacaabo Captian, Mohli batiwawa oo 46 jir iyo Eng, Casiis hermans 56 jir ah, ayaa la socday markab ganacsi oo ka diiwaangashanaa dalka Yemen, kaasoo kusoo caariyay xeebta deegaanka Gaalo-Ood oo katirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal
Ciidamada ilaalada Xeebaha maamulka Puntland ayaa Todobaadkii aynu soo dhaafnay Gacanta kusoo dhigay 13-shaqaalo oo la socday Markabka kusoo caariyay xeebaha deeganada Maamulka Puntland marki dambe waxaa xabsiga laga sii daayay shaqaalihii kale
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Maaamulka Puntland Maxamed Xasan Xareed oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay raggaan inay wateen shatiyo been abuur ah, wuxuuna sheegay in lagu qabtay kalluun tankiisu ahaa 2500.

