Madaafiic Lagu Garaacay Saldhigyada Ciidamada Amisom ee Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Africa ee amisom in Madaafiic ay ku garaaceen Habeenimadii xalay qeybo kamid ah xafadaha Magaalada Marka

Qof kamid ah dadka deegaanka oo La Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in xalay xaafadaha Magaalada Marka laga Maqlay Madaafiic ay Rideen Ciidamada Midowga Africa ee amisom

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Jawaabta Madaafiicda ay bixiyeen Ciidamada amisom ay ka Horeysay Madaafiic ay soo Tureen ciidamada al-shabaab sida dadka deeganka inoo sheegeen

Dhanka kale dhaqdhaqaaqa suuqa weyn ee  Magaalada Marka ayaa Hakad ku jira cabsi laga Qabo In Howlgalo ay sameeyaan Ciidamada Midowga Africa ee amisom

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here