Madaxweyne Gaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo + Sawiro

0

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-10-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug Puntland, kadib markii uu ka soo laabtay safar shaqo oo uu ku tagay Dalka Kenya.

Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobalka Mudug , Maamulka Degmada Gaalkacyo, Waxgarad, Cuqaal, Dhalinyaro , Haween iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha iyo wefdigiisi si habsami leh ugu soo dhaweeyey Garoonka.

Soo dhaweyn kadib ayaa Madaxweynaha loo soo gudbiyey hoygiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana uu halkaasi kula hadlay Warbaahinta qeybaheeda kala duwan isagoona sharaxaad ka bixiyey safarkii shaqo ee uu ku tagay dalka Kenya.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in kulamo muhiim ah uu dalkaasi kula soo qaatay safiiro iyo madax sare oo katirsan beesha caalamka , waxaana uu kala soo hadlay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Puntland iyo arrimo kale oo muhiim ah .

‘’ Waxaan madaxdaasi kala soo hadlay sidii ay Puntland uga taageeri lahaayeen kaabayaasha dhaqaalaha Puntland , arrimaha bulshada iyo nabad-gelyada ‘’ Ayuu  yiri Madaxweyne Gaas.

‘’ Sidoo kale waxaan la kulanay jaaliyadda Puntland, iyana wadanka ayaan uga waranay isbadalka wanaagsan ee ka socda , waxaana rajeyn in isbadalkaasi ka muuqdo hay’addo badan oo ay khusayso ‘’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

‘’ Waxaan aad ugu faraxsanahay colaadii ka taagneyd dhanka howdka in hadda meel fiican marayso , odayaashii howshaa galayna waan bogaadinayaa , mar kalana waxaan ku baaqayaa in Nabadda la adkeeyo ‘’ Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Puntland waxaa si dardar leh uga soconaya mashaariic badan kuwaasi oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, oo sanadba sanadka ka dambeeya sii kobcaya.

DHAMMAAD-

IMG_8570 IMG_8558 IMG_8553 IMG_8538 IMG_8500 IMG_8487 IMG_8480 IMG_8432 IMG_8468 IMG_8471 IMG_8476

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here