Saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Madaxtooda soomaliya uu ka Furmo shirka wadahalada Mooshinka ka dhanka Madaxweynaha soomaliya xasan shiikh Maxamuud
Mid kamid ah xildhibaanada Baarlamanka soomaliya oo lagu magacaabo axmed aadi aadan oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In ay ka soo horjeedaaan kulanka maanta ka dhici doono Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya
Dhanka kale kulanka oo aan wali Furmin ayaa waxaa lasoo sheegayaa In ay socdaan kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeya Raisulwaaraha dowlada soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke iyo xildhibaanada mooshinka ka Gudbiyay Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud
Wixii ku soo kordha simbanews.com kala soco
Halkaan ka dhageyso codka xildhibaanka

