Claudio Bravo oo dib ugu soo laabtay kooxda Barcelona ka Hor kulanka kooxda Sevilla.

0

Claudio Bravo ayaa la xaqiijiyay in uu dib ugu soo laabtay kooxdiisa ka Hor kulanka ay booqan doonaan kooxda Sevilla.

Goolhayaha heerka caalami ee xulka dalka Chile ayaa kulamadii ugu dambeeyay dhaawacyo kaga Maqan kadib markii uu dhaawacmay dhamaadkii bishii August,

Macalinka kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisa ay soo dhaweenayso soo laabashada Goolhayaha heerka caalami ee xulka dalka Chile Claudio Bravo

Barcelona ayaa booqan doonta kooxda Sevilla iyadoo ay ka dhaawacan Yihiin xidigaha Lionel Messi, Andres Iniesta iyo Rafinha, Thomas Vermaelen , Adriano

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here