Ciidamada Nabad Sugidda oo Xiray Xarunta Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho

0

Ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’ada Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka ee dowlada soomaliya ayaa xiray Xaruntii Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho uu ku lahaa

Xarunta ee Tv-ga Universal waxaa Tagay ciidamo aad u Hubeysan kuwasoo Maamulka Tv-ga ku amray in hawada laga saaro Tv-ga Xaruntiisa Magaalada Muqdisho

Sidoo kale ciidamada Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sidoo kale Xabsiga dhigay Agaasimaha Bariga Afrika ee Taleefishinka Universal iyo Wariye Cawil Daahir Salaad kadib Markii Hay’ada Nabad Sugida ay ku eedeysay in ay ku Xadgudbeed arimo badan

Afahayeenka Hay’ada Nabad Sugida ee dowlada soomaliya Maxamed Yuusuf Cusmaan oo la Hadlay Radiyaha dowlada ayaa sheegay in Tv-ga Universal xaruntiisa Muqdisho uu ku xadgudbay arimo badan sidaas Darteed sharciga la Hor keeni doono Maamulka-ka Tv-ga

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here