Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Maamulka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho islamarkaana hogaaminaya Wafdi kasocda Maamulka Galmudug oo ku sugan Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa Sheegay inay Koprmeereen Dekedda Magaalada Hobyo ayaa sheegay inuu burbur xooggan uu ka muuqdo dekadda iyo meelaha muhiimka ah ee magaaladaasi.
Waxaa uu intaa ku daray in hadda Maamulka Galmudug uu bilaabayo dayactir Xoogan oo lagu sameeynayo ila dhaqaale ee ay leedahay Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug islamarkana ay sidoo kale la dhisaayo waddooyinka Waweyn Ee gala Magaalada.
Dadka Ganacsatada ah ee kasoo jeeda Deegaanada Maamulkaasi ayuu ugu baaqay inay ka qeybqaataan dib u dayactirka Waddooyinka iyo Dekadda Magaalada Hobyo.
Hoos ka dhageyso Codka.
