Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Pr; Jawaari oo Kulan la Yeeshtay Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaliyeed

0

Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxwaynaha dalka mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari “ ayaa maanta xarunta villa soomaliya kulan kula Yeeshtay saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo kuwa  maamul goboleedyadda  Dalka ka jira  ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay sidii loo  dhiirigalin lahaa  qorsha uu wado taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed  oo ku aadan Nooca ciidan ay yeelan dooonaan maamul Goboleedyada dalka ka Jira xiligaan

Guddoomiyaha Baarlamka  Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”  ayaa inta badan warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya oo la xiriira sidii ciidamada Booliska soomaliyeed ugu midoobi lahaayeen sugida amniga dalka

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in muhiimada kulanka uu ahaa sidii loo qalabeyn lahaa ciidamada Booliska soomaliyeed oo sameyn ku yeeshtay Burburkii dalka ka dhacay

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Ambassador Wandamu iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya wadamada Ethopia iyo soomaliya

Sidoo kale Guddoomiyha golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale  hambalyo u diray Guddoomiyaha  Cusub ee baarlamaanka Itoobiya, oo ay dhawan doorteen  xubnaha baarlamaanka dalkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here