Xilli Mudooyinkii dambe dagaallo Beeleedyo ay ka dhacayeen deegaanno dhaca duleedk Degmada Guriceel ee Gobbolka Galgaduud ayaa Waxaa ka hadlay dagaaladasi Maamulka ahlu-sunna ee gobolada dhexe.
Xasan Cabdi Cali oo ka mid ah Saraakiisha Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlu-sunna ayaa u sheegay Idaacadda Simba ee Muqdisho in hadda ka Maamul ahaan ay kala dhaxgalayaan beelaha dirirtu dhaxmartay .
Waxaa uu sheegay in Ciidamo ka socda Maamulka ahlusunna la geeynayo deegaanadii ugu dambeeyey ee dagaaladu ay ka dhaceen ee ku yaalla gobolka galgaduud gaar ahaan duleedka guriceel.
Waxaana Masuulkan Ka tirsan Maamulka ahlu-sunna ee Gobolada dhexe uu ugu baaqay beelaha dagaalamaya inay joojiyaan dagaalka Odayaasha iyo Waxgaradka kasoo jeeda Deegaanadaasi ayuu sheegay inay kaalinweyn ka qaadanayaan xal ka gaaridda dagaalka islamarkaana ay sii wadaaan waanwaanta ay ka dhaxwadaan dhinacyadaasi.
Halkan Ka dhageyso Codka.

