Wararka

War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho. Qaraxaan ayaa ka dhacay Suuqa Qudaarta Siinay ee Magaaladda Muqdisho,oo xiligaas ay ku sugnaayeen dad fara badan oo suuqa ka adeeganayay. Qaraxaan ayaa ka dhashay  gaari gacan lagu xiray Miinada dhulka lagu aaso,wuxuuna ka dhacay goob ay lacagaha ku qaadaan Ciidamadda Minishiibiyadda Dowladda Hoose. Sida uu inoo xaqiijiyay qof ...

Read More »

DFS oo Iska Hor Keentay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda iyo Ku-xigeenadooda

Qaar Kamid ah Madaxweyne ku-xigeenadda Maamul goboleedyadda dalka ka jira ayaa ka hor yimid War-murtiyeedkii ay soo saareen Madaxweynayaasha maamul Goboleedyadda, kadib shir ay ku yeesheen magaaladda Kismaayo. Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda ayaa isku raacay in ay hakiyaan xiriirkii ay la lahaayeen Dowladda Dhexe ee Soomaaliya,waxayna ku eedeeyeen in ay ka baxday heshiisyo horey loo gaaray. Madaxweyne Ku xigeenka Puntland C/xakiim Camey ...

Read More »

Maamulka Gobolka Banaadir oo Bur buriyay Jardiin Ku Yaal Isgoyska KM4+Sawirro

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay fuliyey qorshaha dib-u- soo celinta dhulka Danta Guud oo Jardiinka Nambar Afar la banneeyey oo dhismihii laga burburiyey si bilicdii Jardiinka loo soo celiyo. Guddoomiyaha ayaa shacabka uga mahadceliyey dhiirigelinta iyo soo dhoweynta siyaasada soo celinta goobaha danta guud ee caasimada, isla markaasna sheegay in la sii wadi doona qorshahan oo waxtar weyn u leh ...

Read More »

Taliye Ku-Xigeenkii Hore ee NISA oo Laga Dhigay Dhammaan Darajooyinkii Ciidan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Shir Wadatashi ah Isugu Yeeray Golaha Amniga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada. Shirkaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka. Qodobbada looga hadli doono shirka waxaa kamid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish, ...

Read More »

Ciidamadda Amniga Kenya oo Qabtay Shaqsi Lala Xiriirinaayo Al-shabaab

Laamaha booliiska deeganka Lamu ayaa gacanta ku dhigay qof lala xariirinayo in uu cilaqaad la leeyahay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama. Taliyaha waaaxda dambi baarista  Lamu Paul Leting aya warbaaahinta u sheegay in sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen agab loo isticmaalo walxaha qarxa. Mr Leting ayaa intaasi ku daray in xubintaan la tuhunsanyahay uu hada ku ...

Read More »

War Deg Deg:-Maamul Goboleedyadda oo Xiriikii U Jaray Dowlada Dhaxe

Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda dalka ka jira oo shir ku lahaa 3-maalin aynu soo dhafnay magaaladda Kisamayo ayaa shirkooda kasoo saaray war-murtiyeed. Golaha iskaashiga ayaa isku raacay in la hakiyo xiriirkii ay lahaayeen Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, tan iyo inta ay ka fulineyso heshiisyadii hore u dhex maray labada dhinac. Sidoo kale Golaha ayaa ka hadlay Iskaashiga dowlad-goboleedyada,Amniga,Dhaqaalaha iyo Hannaanka geedi ...

Read More »