Wararka

Shirka Dalalka Afrika iyo Shiinaha oo Ka Furmay Magaalada Beijing ee Shiinaha

Waxaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah. Madaxweynaha Shiinaha ee dalkiisa uu martigelinayo shirka Xi Jinping,ayaa furay shirka maanta oo Axad ah 3-September 2018-ka,waxaana ka qeyb galaya madaxweynayaasha dalalka Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto. Wuxuu sheegay madaxweyne ...

Read More »

War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax gaari lagu xiray ayaa galabta ka dhacay Isgoyska Ex koontarool Afgooye ee Magaaladda Muqdisho. Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal qaraxaan ayaa lagu dhajiyay gaari Spacia oo uu la socday askari ka tirsan Ciidamadda Dowlada Soomaliya, Inta la xaqiijiyay illaa laba qof oo Rag ahaa, lana socotay gaarigaasi ayaa ku dhaawacantay qaraxa. Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka ...

Read More »

Akhriso:-Sarkaal Al-Shabaab ah iyo Hub oo Lagu Qabtay Magaaladda Muqdisho

Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA), ayaa gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Al-shabaab iyo qaraxyo kadib howlgal ay ka sameeyeen Magaaladda Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Nabad Suggida oo la soo dhigay Bogga Twitterka NISA, ayaa lagu sheegay hawlgal qorsheysan oo ciidamada ay fuliyeen in lagu soo qabtay xubintaan ka tirsan Shabaab. “Howlgal ciidanka nabadgalyadu ...

Read More »

Shirka Dalalka Afrika iyo Shiinaha oo Maanta Ka Furmaya Magaaladda Beijing

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha maanta waxaa ka furmaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah. Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika. Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga ...

Read More »

Maxakamadda CQS oo Xukun Ku Riday Rag Ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii  Bishii 4aad  ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay  Alshabaab, waxaana Ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib   ku wareejiyeen Hey’adaha Baarista, waxa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda ay soo galaan Eedeysanayaasha kale:- Waris Maxamed Cumar,  Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe. ...

Read More »

Shirka Golaha Iskaashiga Dowladd Goboleedyadda oo Kismaayo Ka Furmayo+Qodobadda

Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubba-land waxaa maanta ka furmaya Shirka Golaha iskaashiga Dowladd Goboleedyadda dalka ka Jira. Shalay waxaa magaaladda Kismaayo gaaray Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda Puntland,Galmudug, Hir-shabeelle,waxaana maanta lagu wadaaa in uu gaaro madaxweynha Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Shariif Xasan Shiikh aadan. Shirkaan ayaa diirada lagu saarayaa intuu socdo sidii looga wada shaqayn lahaa arimaha masiiriga ...

Read More »

Khayre oo Ku Amray Wasaarada Amniga Inay Dedejiso Siyaasadda Xakamaynta Qaxootiga

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan ay golaha wasiirradu ku yeesheen Muqdisho ayaa ku amray wasaaradda amniga gudaha iyo wasaaradaha kale ee ay khusayso in ay soo diyaariyaan siyaasad lagu xakamaynayo qaxootiga dalka soo gelaya ee ka imaanaya dalalka ay dagaalladu ka holcayaan. Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale ...

Read More »

Golaha wasiirada Xukuumadda Somaaliya oo Ansixiyay Xeerka Xayiraadda Lacagaha+Sawirro

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta. Shirka maanta oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo ...

Read More »