Booliska Kenya oo Xabsiga Nin Loo Haysto Dilka Hooyo iyo Gabdho ay Dhashay

0

Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigey Haashim Dhaqane Maxamuud oo loo haysto saddex haween oo Soomaali ahaa, oo kala ahaa Waris Daa’uud, gabadh yar oo ay dhashey iyo mid kale oo walaasheed ay dhashay.

Saddexdan haween ayaa meykooda oo la jarjaray laga helay xaafad ka tirsan magaalada Nairobi, 21-kii Oktoobar 2024.

Eedeysanaha ayaa Axaddii shalay laga qabtay xaafadda Isareeha, waxaana lagu xirey saldhigga booliska ee Kamarkuchi. Haashim ayaa ku eedeysan inuu afduubtay, kadibna si arxan darro ah u dilay Waris Daa’uud, Aamina Cabdirashiid, iyo Nuseyba Cabdi Maxamed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here